Ugu danbayn Ed Woodward oo Go aansaday Macalin aan Zidane ahayn oo badelaya Jose Mourinho

Madaxa ugu Sareeya kooxda Kubada Cagta Manchester united Ed Woodward ayaa lasheegayaa in uu Go aan ku gaaray in Jose Mourinho uu ku badalo Macalin aan ahayn Zinedine Zidane kaas oo Warbaahintu ku tilmaantay dooqa koobaad ee badali doona Mourinho.

Ed Woodward ayaa lasheegayaa in uu doonayo Macalinka kooxda Tottenham Mauricio Pochettino halkii kooxda loo dhiibi lahaa Macalin aan wax weyn kala socon qaab Cayaareedka England waxaana macquul ah in Ninkaan uu kooxda lawareego dhamaadka Xili Cayaareedkaan.

Maamulka kooxda Red Devils ayaa lasheegayaa in Maalmihii lasoo dhaafay ay ka fikirayeen Macalinkii ay ku badali lahaayeen Jose Mourinho kaas oo kujira xaaladii ugu xumeyd isaga oo isku darsaday Guul la aan iyo qilaafaad kala dhexeeya qaar badan oo ka mid ah Cayaartoyda Manchester United waxaana macquul ah in lagu badalo Mauricio Pochettino oo hada hogaamiya Tottenham.

 

Facebook Comments