UEFA Europe League: Hor dhaca kullamada Chelsea vs Vidi iyo Qarabag vs Arsenal.

Kullamada xilliga hore soo dhici doono tartan UEFA Europa League waxaa ka mid ah kullanka Arsenal ay booqan doonto kooxda Qarabag.

Gunners oo kullankii hore waxa ay soo gaareen guul muhiim ah, caawana waxa ay booqan doonaan dalka Azebaijan.

Henrik Mkhitaryan ayaa seegi doono kullankan, maadaama uu kasoo jeedo dalka Armenia oo aan loo oggoleyn in muawaadinkooda uu galo Azerbaijan.

Arsenal waxaa sidoo kale ka maqan Laurent Koscienley iyo Ainsley Maitland-Niles oo dhaawacyo qabaan, waxaase macquul ah in ay ciyaaraan Sead Klosinac iyo Stephan Lichtsteiner.

Kullankan waxaa geeska Africa laga daawan doonaa saacadda marka ay tahay 19:55.

Dhanka kale kooxda Chelsea ayaa soo dhoweyneysa Vidi kullanka labaad ee wareegga Group-yada.

Blues oo ciyaartii hore nasiinno siisay Eden Hazard ayaa iyadana guul soo gaartay, caawana waxa ay ku ciyaarayaan garoonkooda Stamford Bridge.

Eden Hazard ayaanan qayb ka ahayn qorshaha Maurizio sarri ee caawa, waxaana macquul ah inuu nasiyo xiddigo kale oo muhiim ah.

Andre Christansen iyo Pedro Rodriguez ayaa shaki laga gelinayaa, halka Cesc Fabregas ay macquul tahay inuu daqiiqado ka ciyaaro kullankan.

Chelsea iyo Vidi ciyaartooda waxa bariga Africa laga daawan doonaa 22:00 fiidnimo.

Facebook Comments