Rikoorradii laga diiwaan geliyay kullamadii xalay laga ciyaaray Champions League!

  1. Liverpool ayaa ku guuldarreysatay inay la beegsato shabaqa kooxda kasoo horjeedda darbo markii ugu horreysay tan iyo bishii February 2006 kullan Benfica 1-0 qasaaro kala kulmeen.
  2. Erik Lamela ayaa dhaliyay goolkii 8,000-aad (Siddeed kumaad) ee tartanka Champions League-ga taariikhda.
  3. Lionel Messi ayaa dhaliyay 22 gool, lix kalena caawiyay kullamada Champions League-ga ee uu wajahay kooxaha England, waana in ka badan kooxaha waddamada kale.
  4. Harry Kane ayaa dhaliyay 10 gool 12 kii kullan ee ugu horreysay ee Champions League ka ciyaaro, keliya Adriano, Sadio Mane, Roberto Firmino oo min 11 dhaliyeen ayaa kaga badan 12 ka ciyaar ugu horreysay goolasha la dhaliyo.
  5. Philippe Coutinho ayaa gool caawiyay goolna dhaliyay isagoo wajahaya Spurs una ciyaaraya Barcelona waxaana ay ku qaadatay 28 daqiiqo, markii uu joogay Liverpool waxa uu sidaas inuu sameeyo ay ku qaadatay 715 daqiiqo.
  6. Goolkii Coutinho uu ku dhaliyay 92 il biriqsi waxaa uu ahaa midkii ugu dhaqsiyaha badnaa Barcelona ka dhaliso Champions League tan iyo Mark Van Bommel oo Novermber 2005 Panathiakos kaga dhaliyay 36 il biriqsi.
  7. Gerard Pique ayaa noqday ciyaaryahankii 10-aad ee Spanish ah kaasoo 100 kullan Champions League ah safto.
  8. Barcelona ayaa adkaatay dhammaan afartii kullan ee tartan rasmi ah ku ciyaartay Wembley, iyadoo Finalkii European Cup kaga qaadday Sampdoria, Arsenal ku garaacday wareegga Group-yada, Manchester United kaga qaadday Champions League-ga finalkiisa, Tottenham kusoo garaacday wareegga Group-yada.
  9. PSG ayaa ku adkaatay 4 gool iyo wax ka badan shan jeer tartanka Champions League-ga tan iyo billawgii xilli ciyaareedkii hore
  10. Neymar ayaa noqday ciyaaryahankii ugu horreeyay ee laba gool ku dhaliyay laad xor ah hal ciyaar tartanka Champions League, tan iyo Cristiano Ronaldo 2009 oo Zurich ka dhaliyay
  11. Neymar waxa uu noqday Brazilian-ka ugu goolasha badan Champions League isagoo 30 gool la wadaaga Kaka.

Facebook Comments