Jurgen Klopp Oo Ka Hadlay Haddii Ay Kooxdiisu U Qalantay Guul Darradii Kasoo Gaartay Napoli.

Tababaraha Liverpool Jurgen Klopp ayaa lahadlay Sky Sport Italia kadib markiia ay kooxdiisu guul darro xanuun badan kala kulantay Napoli.

“Haa waan u qalannay guul darrada, wax dhibaato ah kalama kulmayo inaan sidaa iraahdo, gool hayahoodu si wacan ayuu ciyaaray, waxaan u ciyaarnay sidii aan rabnay, inkasta oo Napoli ay u ciyaartay si naga wanaagsan innaga.” Ayuu yiri Klopp.

“Waan ku fashilannay qaybtii danbe, iyagu had iyo jeer waxay ciyaarayeen kubad kudhisan weerar, inaguna maanan haysan qaab ciyaareed wacan oo aan uga hortagno.

“Wax ay ahayd ciyaar dhib badan oo aad uu adag tan iyo dhammaadki.” Ayuu hadlkiisa kusoo afmeeryay Jurgen Klopp.

Lorenzo Insigne ayaa shabaqa ku hubsday goolka wadnaha gooyay taagerayaasha Liverpool daqiiqaddii ugu danbaysay ee waqtiga caadiga ah ee ciyaarta.

Liverpool ayaa asbuuca soo aaddan kahor tagi doonta kooxda tababare Guardiola ee Manchester City, taas oo noqon doonta ciyaar kale oo ay cadaadis wajihi karaan wiillasha tababare Klopp.

Facebook Comments