David Beckham Oo Radamel Falcoa Ka Kaxaynaya AS Monaco.

Halyeeygii hore ee kooxaha Manchster United, AC Milan, Paris Saint Germain, LA Glaxy Iyo Real Madrid ayaa doonaya in uu xidigo magaclo geeyo kooxdiisa cusub ee Inter Miami.

Beckham ayaa kooxdiisa ku cusub kaga dhawaaqay horyaalka maraykanka ee MLS iyada oo ciyaaraheed si rasmi ah i bilaabi doonta sannadda 2020.

Xidigii hore ee seddexda libaax ayaa wixii intaas kadanbeeyay lala xiriirinayay xidigo waa wayn oo ay kamid yihiin Cristiano Ronaldo iyo Leonel Messi.

Yeelkeede, Sun Sport ayaa daabacday in David Beckham uu qorshaynayo in uu AS Monaco ka qaato weeraryahanka reer Colombia ee Radamel Falcoa, sinuu ugu biiro kooxdiisa cusub ee Inter Miami.

David Beckham ayaa doonaya in uu kooxdiisa kubiiriyo xidigo magac kuleh dunida si uu suuqa gayn ugu sameeyo kooxdiisa curdunka ah ee Inter Miami.

Facebook Comments