Muxuu Pep Guardiola kaga jawaabay in Kylian Mbappe lala xiriiriyo!

Kooxda kubadda cagta ee Manchester City ayaanan wax xiiso ah u heynin kooxda Paris Saint-Germain weeraryahankeeda Kylian Mbappe sida uu carrabka ku dhuftay Pep Guardiola.

Maalmihii lasoo dhaafay ayaa waxaa is qabsaday warar sheegaya in kooxda Manchester City ay isku dayeyso saxiixa laacibka ku guuleystay da’yarka ugu wanaagsan Koobkii Adduunka.

Mbappe ayaa ka caawiyay xulka qaranka Faransiiska ku guuleysiga Koobka Adduunka ee sanadkan 2018 Russia lagu qabtay, waxaana uu noqday mid ay kooxo badan baadi goobaan.

Ka hor shirka jaraa’id ee kullanka Manchester City caawa booqaneyso Hoffenheim tartanka Champions League-ga ayaa Guardiola la weydiiyay arrimo ku saabsan sheekooyinka la xiriirinaya lasoo xiiseynta 19-jirka PSG.

Waxaase uu ku jawaabay “Mbappe ma ahan hadafkeenna suuqa kala iibsiga.

“Mararka qaar ma fahmo wararkaas oo kale halka ay ka yimaadaan. City diyaar uma ahan inay Mbappe kula soo saxiixato lacagta ay PSG kula soo saxiixatay oo kale, PSG iyadane ma dooneyso inay iibiso” ayuu yiri macallinkii reer Spain.

Hooggaamiyihii hore ee Barcelona iyo Bayern Munich ayaa sidoo kale carrabka ku dhuftay inuusan daneyneyn inuu ciyaaryahan kooxdiisa ka tirsan uu dhaafsado laacibkii hore ee Monacco.

Facebook Comments