Arsenal oo Barcelona kula dagaallamaysa saxiixa weeraryahan ka ciyaara Ligue 1!

Naadiga Arsenal ayaa kusoo biiray doonista loogu jiro weeraryahanka kooxda Lille ee Nicolas Pepe.

Kooxaha Barcelona, Sevilla iyo Everton ayaa loollan adag kala kulmi doontaa kuwaasoo dhammaantood doonaya  gooldhaliyahan.

Daily Mirror ayaa ku warramaysa in Pepe qudhiisa uu doonayo inuu heer sare usii tallaabo si xirfaddiisa ay sare ugu sii kacdo.

Laacibka reer Ivory Coast ayaa kusoo baxay dhaliye halis badan, waxaana xilli ciyaareedka Lille uu u dhaliyay Shan gool isagoo u saftay Siddeed ciyaar.

Inkastoo Danny Welbeck iyo Alex Iwobi ay yihiin weeraryahanno geesaha ka duulaan tagi kara, haddane Gunners ayaa dooneysa inay daboosho baahida Alexis Sanchez iyo Theo Walcott boosaskii ay banneeyeen bishii January.

Markii aad dib u milicsato xukunkii Arsene Wenger, Arsenal ayaa inta badan xiddigaha tayada leh kala soo saxiixan jirtay horyaalka Ligue 1, waxaana taageerayaasha kooxda Wuqooyiga London aysan shaki ka qabin in Unai Emery uu sidaas oo kale sameynayo.

Facebook Comments