24-kii saac ee lasoo dhaafay iyo qodobbada ciyaaraha ugu doorka roon.

Qodobka 1-aad: Tababare Jose Mourinho isma casili doono ilaa maamulka Man United ka racadeeyaan si uu magdhow ahaan ugu helo lacagaha uu heli lahaa qandaraaskiisa ku eg 2020.

Qodobka 2-aad: Agaasimaha cayaaraha Juventus Giuseppe Marotta oo shaqada kooxdan iska casilaayo 25-ka bishan October ayaa la sheegay inuu agaasimaha cayaaraha Man United noqon doono sidoo kalena Antonio Conte uu macalin United kaga dhigi doono.

Qodobka 3-aad: Inter Milan ayaa rabtay xagaagii dhawaa inay cayaaryahan Suso kasoo qaadato dhigeeda AC Milan kuna wareejiso cayaaryahan Marcelo Brozovic balse tababare Gatusso ayaa qorshan hor istaagay.

Qodobka 4-aad: Barcelona ayaa dooneyso daafaca naadiga Inter Milan iyo xulka Slovakia Milan Skriniar balse Inter waxay dul dhigtay 85-milyan oo euro ah.

Qodobka 5-aad: Grathe Bale ayaa saaxiibkiis Aaron Ramsey ku qal qaalinayo inu xagaagan doorto ku biiritaanka Real Madrid madaama qandaraaskiisa Arsenal dhamaadka xili cayaareedkan ku eg yahay.

Qodobka 6-aad: Jan Vertonghen ayaa ku biiray liiska cayaartoyda Spurs ka maqnaan doonaan kulanka Barcelona waxaana horey kooxdan shaaca kaga qaaday inay dhaawac ku maqan yihiin Dele Alli, Michel Vorm iyo Serge Aurier. Sidoo kalena Hugo Lloris, Mousa Dembele iyo Christian Eriksen shaki ayaa la galinaa in kulankan cayaari karaan habeen dambe.

Qodobka 7-aad: Danny Drinkwater ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay sii joogista kooxdiisa Chelsea inkastoo 30-daqiiqo kaliya uu xili cayaareedkan u cayaaray sidoo kalena liiska Europa League uusan cayaaryahankan ku jirin.

Qodobka 8-aad: Henrikh Mkhitaryan ayaan kooxda Arsenal ula safreyn dalka Azerbaijan madaama naadiga Arsenal halkaas kula soo cayaareyso naadiga Qarabag balse dalka Azerbaijan waxaa ka mamnuuc ah muwaadin Armenia ah inu soo galo waana sababta uu Henrikh safarka khamiista kaga baaqday.

Qodobka 9-aad: Paul Pogba ayaa ku fikiraayo Man United inuu isaga tago xitaa haddii macalin Mourinho laga racadeeyo asigoo rabo bisha Janaayo Juventus ama Barcelona inuu ku biiro.

Qodobka 10-aad: Tababare Pep Guardiola ayaa wax kama jiraan ku tilmaamay wararka sheegayo in cayaaryahan Kylian Mbappe kooxdiisa Man City lacago iskoor ah kusoo qaadaneyso xagaaga dambe.

Qodobka 11-aad: Jose Mourinho ayaa la sheegay in kabtankiisa Antonio Valencia xitaa ay isku dhaceen taasi oo ka dhigan in cid garab taagan macalinkan inaysan jirin marba haddii kabtanka kowaad kooxda iyo macalinka wada hadal toos ah ka dhaxeynin.

Qodobka 12-aad: Kooxda Leicester City ayaa sheegtay in cayaaryahankeeda Jamie Vardy dhaawaca soo gaaray kulankii New Castle uusan halis ahayn sidoo kalena todobaadka dambe kooxda u cayaari karo.

Qodobka 13-aad: Juventus ayaa ku guul dareesatay daafaceeda dhalinta yar Daniele Rugani inay qandaraaska u kordhiso madaama heshiiskiisa ku eg yahay 2021 diyaarna uma ahan inuu sanado dheeraad ah ku daro madaama xagaagii dhawaa loo diiday inuu Chelsea ku biiro.

Qodobka 14-aad: Juventus ayaa dooneyso xagaaga dambe markale inay suuqa Yurub wacdaro ka dhigto gacanta kusoo dhigto Kylian Mbappé ama Paul Pogba midkood ayadoo xasuusin mudan in xagaagii dhawaa Cristiano Ronaldo kooxdan gacanta kusoo dhigtay.

Qodobka 15-aad: Kooxda Dortmund ayaa rabto qandaraas heer sare ah inay ku abaal mariso wiilkeeda 18-jirka ah ee xili cayaareedkan wacdaraha lasoo baxay Jadon Sancho. Wiilkan 18-jirka ah Dortmund 14-bilood ka hor Man City ayay kasoo qaateen haatana 5-gool ayuu caawiyay Bundesliga oo kooxdiisa hogaamineyso.

Qodobka 16-aad: Kooxda Chelsea ayaa dooneyso daafaceeda David Luiz hal sano dheeraad ah in laga saxiixo madaama qandaraaskiisa ku eg yahay dhamaadka xili cayaareedkan.

Dhamaad,

Facebook Comments